Kullan xasaasi ah oo Garoonka Aadan Cadde uga soconaya Mahiga, Shariif iyo Ilka Xanaf.
Soomaalinews.com 27 Aug 12, 16:58

Waxaa Xiligan kulan Sadax Geesood xasaasi ah uu kasoconayaa Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho Madaxweynaha waqtigiisa Dhamaaday Sheekh Shariif Sheekh Axmed, udoomiyaha Maxkamade Sare Abuu kaate Ceydiid Ilka Xanaf iyo Mahiga Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Kulanka oo ah Mid Xasaasi ah ayaa looga hadlayaa arinta Xildhibaanada laga soo celiyay in ay kamid Noqdaan Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya, taa oo hada loo gudbiyay gacantana ku heyso Maxmada Sare ee Dalka.

Sadaxdan Masuul ayaana isla jeex jeexaya xiligan sida aan Wararka ku heleyno sida ay Maxmakada Go’aan uga gaari karto Raga lasoo celiyay ee loo diiday in ay Baarlamaanka ka mid noqdaan.

Warar Hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Sadaxdan Masuul isla garteen in arinta Maxkamada loo daayo Maxmkadaan ay xukmiso in Xubnaha lasoo celiyay in ay kamid Noqdaan Baarlamanaka Soomaaliya ama diido.

Kulanka ayaa ah mid ilbaabada u xiranyihiin aan wali laga heli Karin faah faahino dheeraad ah waxana la filayaa in saacdaha soo aadan ay kasoo baxaan war ku aadan waxa ay isla garteen Masuuliyiintan kulanka hada leh.

Xarunta Maxmakada sare hada waxaa kusugan Xubnihii loo diiday in ay kamid Noqdaan Baarlamaanka Cusub kuwaa oo u badan Hogaamiyaashii Kooxaha oo iyagu ka warsugaya go’aanka Maxmada sare ee ka gaarto arintooda kadib marka uu dhamaado shirka sadaxdan masuul u socdo.

Gudiga Farsamada ayaa iyagu diiday in Maxkamada Sare ee Dalka hortagaan kadib markii looga yeeray, waxaana hada arintaan ay ku biyo shubatay Maxmada sare oo laga sugayo Go’aanka kama dambeyska ah ee ka qaadato Xubnaha loo diiday in Baarlamanaka kamid noqdaan.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698