Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa la kulmay maanta Wakiilka Ururka Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Dibada Haweeneyda lagu magacaabo Catherine Ashton.
Wafdiga ay hogaaminaysay Haweeneydaasi ayaa la kulmay Madaxweynaha Dowladda KMG Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaare Gaas iyo guddoomiyaha KMG Baarlamanka Soomaaliya.
Labada dhinac waxay kala qaateen warbixin aad u dheer iyadoo laga wada hadlay sidii loo dhamayn lahaa dhamaystirka marxalada Kala guurka dalka.
Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in sida la rabay ay wax u socdaan isagoo rajo ka muujiyey in waqtigii loogu talagalay ay qabsoomayaan doorashooyinka dalka oo ay ugu hoayso tartanka Afhayeenka Baarlamanka Soomaaliya oo maalinta bari ah kuna beegan 28-ka Bisha la filayo inuu dhaco.
Ugu danbeyntii madaxweynaha Shariif waxa uu sheegay inay lagama maar maan tahay in dalka uu ka baxo marxalada KMG, lana heli dowladd dhamaystiran oo aan KMG ahayn, isagoo ku amaanay doorka Beesha Caalamka ay ka geysteen meel marinta arrimahaasi.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com