Janaraal Yuusuf Indha Cadde oo sheegay in Xarakada Alshabaab aysan haatan lahayn wax awood ah.
Soomaalinews.com 27 Aug 12, 12:41

Janaraal Yuusuf Maxamad Siyaad Indha Cadde ayaa mar kale sheegay in Xarakada Alshabaab aysan lahayn awoodii hore oo ay ku dagaalami jireen, wuxuuna sheegay inay u dhammaatay marba haddii lagagala wareegay Magaalada Marka, Kismaayana lagu sii siqayo.

Indha Cadde oo aan la xariirnay waxa uu sidoo kale sheegay inay soo koobmeen awoodihii Xarakada alshabaab, isagoo soo dhaweeyey la wareegitaanka Magaalada Marka meelaha ay hadda gacanta ku hayaana lagala wareegayo.

“Dagaalada Alshabaab lagula galay Sh/hoose iyo Jubada Hoose waa lagu burburiyey Marka gacanteena ayay soo gashay” ayuu yiri Indha Cadde oo dhanka kale tilmaamay in goor dhow Magaalada Kismaayo ay ka saarayaan Sida uu hadalka u dhigay iyo magaalooyinka kale ee dalka.

Ugu danbeyntii hadalkan Indha Cadde ka soo baxay ayaa imaanaya xili saacado ka hor Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda KMG ay la wareegeen Magaalada Marka ee Gobolka Sh/hoose.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698