Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya ayaa goordhow si buuxda ula wareegay Magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose oo ay saaka duulaan ku qaaday.
Afhayeenka Ciidamada AMISOM Aadan Xaamud ayaa sheegay inay si buuxda ula wareegeen Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM magaalo xeebeedka Marka, iyadoo ay faarujiyeen ciidamada Xarakada alshabaab.
Dad ku sugan Magaalada Marka ayaa sheegay inay magaalada soo galeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG lana maqlayo rasaas ka dhacaysa dhanka Xarunta degmada iyo Saldhiga Magaalada Marka.
Ugu danbeyntii Ciidamada Xarakada alshabaab ee ka baxay magaalada Marka ayaa aaday dhanka Baraawe iyo Buulo Mareeb.
Wixii ku soo kordha la soco.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com