Dowladda KMG soomaaliya ayaa guulo ka sheegtay dagaalo saakay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Sh/hoose.
Gen: Goobaale oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada dowladda KMG ee dagaalada hogaaminaya ayaa sheegay inay gaareen maanta goobo aan ka dheerayn Magaalada Marka.
Wadooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Magaalada Marka ayuu sheegay Gen: inay kala wareegeen Xarakada alshabaab gaar ahaan Tuulooyinka Ceelwareegow iyo Kili oo ka mid ah gobolka Sh/hoose.
Sidoo kale Gen: Goobaale ayaa sheegay in heegan la galiyey Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda kMG Soomaaliya isagoo tilmaamay in saacadaha soo socda ay ku wajahan yihiin Magaalada Marka ee Xarunta gobolka Sh/hoose.
Ugu danbeyntii ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay dhanka Xarakada Alsahbaab ee ku aadan dagaaladii maanta ka dhacay Gobolka Sh/hoose iyo guulaha dowladda KMG ay ka sheegtay dagaaladaasi.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com