Ra’iisul Wasaarihii hore Soomaaliya Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas ahna xildhibaan ka mid ah kuwa hada jira ayaa ka hadlay Go’aan uu soo jeediyay Madaxweyne shariif oo uu ku sheegay in loo gudbiyo Maxkamada sare Xildhibaanada lagu muransanyahay.
Gaas ayaa sheegay in Xildhibaanada la diidan yahay uusan go’aan ka gaari Karin oo kaliya Madaxweyne shariif balse ay go’aanka wada leeyihiin Saxiixayaashii Road Map-ka.
“Go’aanka uu soo saaray Shariifka ee Xildhibaanada la diidanyahay ma ahan mid asaga kaliya uu u gudbin karo maxkamada sare ee dalka, go’aankaas waxaa iska leh saxiixayaasha oo dhan” ayuu yiri Gaas.
Sidoo kale hadalka Gaas ayaa ku soo aadaya xili Madaxweyne shariif xildhibaano uu gadaal ka riixayo loo diiday in ay ka Mid noqdaan baarlamaanka, uuna isku dayayo in Maxkamada sare ee dalka ay u Rooxdo arintaas Madaxweyne shariif.
Ugu danbeyntii waxa uu ku tilmaamay Gaas madaxweyne shariif in uu yahay danbiile u dacwoonaya danbiilayaal, waxa uuna sheegay in shariifka uu ka mid ahaa dadkii dalkaan bur buriyay ee dagaal oogayaasha ahaa waxa uuna ka mid ahaa nimankii Maxaakimta oo uu shariifka ahaa.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com