Puntland oo faahfaahin ka bixisay howlgalo ay ka sameeyeen Buuraleyda Galgala ee gobolka Bari.
Soomaalinews.com 27 Aug 12, 10:22

Wasiir kuxigeenka amniga Puntland C/Jamaal Cismaan Maxamed ayaa faah faahin ka bixiyay hawlgallo ay ciidamada Puntland ka sameeyeen buuraleyda Galgala ee Gobolka Bari.

C/Jamaal waxa uu sheegay in hawlgaladaasi oo ahaa kuwo horay loo qorsheeyay lagu bur buriyay fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen buuralayda Galgala islamarkaana halkaasi lagu gubay keydad raashin ah oo ay shabaabku lahaayeen buuraha sida uu hadalka u dhigay wasiir kuxigeenka Amniga Puntland.

Wuxuu sheegay in ciidamada ammaanka Puntland ay usuura gashay inay howlgalkaasi sameeyaan islamarkaana ay burburiyaan keyd sida uu sheegay Al-Shabaab ay ku lahaayeen Buuraleyda Galgala.

C/Jamaal Cismaan Maxamed wasiir kuxigeenka amniga Puntland waxa uu intaasi ku daray in sarkaal kasoo goostay shabaabka Galgala kaasi oo labo maalmood ka hor isku dhiibay ciidamada Puntland uu bixiyay xogta goobaha ay ku yaalaan saldhigyada Al-Shabaab kadibna weerar lagu qaaday.

“Xogta aan goobahaasi ku tagnay waxaa nasiiyay mid shabaab ah oo kasoo goostay dhawaan waana ay noo suura gashay inaan tango meelaha keydkooda raashinka ay ku jiraan inkastoo ay iyagu baxsadeen”

Buuralayda Galgala oo ka tirsan Gobolka Bari ilaa horaantii sanadkii 2010-kii waxaa ka socday dagaal u dhaxeeyey ciidamada Puntland iyo kooxo Shabaab katirsan.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698