Waxaa xalay Magaalada Neyroobi ee Dalka Kenya ku geeriyooday mid ka mid ah Abwaaniinta ugu caansan dalka Soomaaliya, iyadoo la sheegay inuu ku geeriyooday Isbitaal magaaladaasi ku yaala.
Alle ha u naxariistee waxaa xalay Magaalada Neyroobi Isbitaal ku yaala ku geeriyooday Abwaan Maxamuud Goox Qarboosh oo ka mid ahaa Abwaaniinta ugu caansan Dalka Soomaaliya.
Sida Ehelada Abwaanka inoo sheegeen wuxuu ku geeriyooday Isbitaal ku yaala Xaafada Islii ee Magaalada Neyroobi, halkaasoo ku xanuunsanayay labadii maalmood ee la soo dhaafay.
Abwaanka ayaa u geeriyooday xanuun dhanka wadnaha ah, waxaana istaagay Wadnaha sida ay sheegeen Ehelada Abwaanka geeriyooday.
Ugu danbeyntii abwaanka waxa uu ifka kaga tagay hal xaas iyo shan caruur ah, isagoo ka mid ahaa abwaaniinta Soomaaliyeed ee aan dalka ka bixin mudadii burburka dagaalada Sokeeye iyo dagaaladii kale ee ka dambeeyey ilaa iyo haddana ku sugnaa, in kastoo dhawaan Xaalad Caafimaad loogu qaaday Magaalada Neyroobi ee Dalka Kenya oo aakhirkii xalay ku geeriyooday.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com