Guddiga Farsamada oo ka biyo diiday inay tagaan Maxkamada sare ee dalka.
Soomaalinews.com 27 Aug 12, 08:55

Iyadoo saacadaha soo socda laga sugayo guddiga Farsamada inay tagaan Maxkamada sare ee dalka Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay inay guddiga ka biyo diideen inay maxkamada tagaan.

Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Dalka Soomaaliya Ceydiid Ilka Xanaf ayaa sheegay in Guddiga Farsamada soo xulitaanka Xubnaha Baarlamanka Cusub in laga sugayo inay maanta tagaan Maxkamada sare si wax looga weydiiyo dacwadooda.

Ilka Xanaf ayaa shaaciyey haddii ay maanta imaan waayaan Guddiga Farsamada soo xulida Baarlamanka Maxkamada sare ay sii wadi doonaan dacwadooda sida uu yiri.

Guddiga Farsamada Soo xulida Baarlamanka oo xalay waqtigoodii ku ekaa ayaa muran waxaa uu ka jiraa qaabka loo soo xulay Baarlamanka iyadoo guddiga ay diideen inay Baarlamanka ku daraan xubno buuxin waayay sharuudihii looga baahnaa.

Ugu danbeyntii maanta ayaa laga sugayaa Maxkamada sare dalka go’aan ay ka gaarto arrinta ku aadan dacwada Guddiga Farsamada soo xulida Baarlamanka Cusub ee Soomaaliya.

Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698