Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in Xubnihii laga saaray Liiska Xildhibaanada iyo kuwa u doodaya xaq u lahayn inay ka mid noqdaan Baarlamanka Cusub ee Soomaaliya, wuuxuna sheegay inay muhim tahay in la ixtiraamo heshiisyadii kala duwanaa ee Saxiixayaasha Road Map-ka horay u wada gaarreen.
Faroole waxa uu xusay in Guddiga Farsamada ay u madax banaanyihiin inay soo celiyaan cid kasta oo ay u arkaan inaysan ka mid noqon Karin Baarlamanka Cusub ee Soomaaliya, isagoo arrin laga xumaado ku tilmaamay dadka u doodaya in xubnahaasi lagu daro Liiska Baarlamanka Cusub.
“Kuwa u doodaya dagaal oogayaasha iyo Xagjiriinta Baarlamanka laga celiyay waa la mid iyagana, hadda waxaa ku jira dad madaxdii dalka ka mid ah oo laftigoodu dalka dambiyo ka galay oo magacii Maxaakiimta wax ku qaribay soona gaaray ilaa Magaalada Gaalkacyo” ayuu yiri Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole.
Madaxweynaha maamulka Puntland waxa uu sheegay Baarlamanka Cusub ee Soomaaliya inay yihiin kuwo ka talinaya masiirka Ummadda Soomaaliyeed.
Ugu danbeyntii hadalkan ka soo baxay Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa imaanaya xili guddiga Farsamada soo xulida Baarlamanka looga yeeray Maxkamada sare si wax looga weydiiyo sababaha ay ku celiyeen Xubno loo soo xushay inay ka mid noqdaan Baarlamanka cusub kuwaasoo guddiga ku eedeeyey inay ka mid ahaayeen dagaal oogayaashii dalka soo qaribay.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com