Qarax miino ayaa goordhow waxa uu ka dhacay Dugsi Qur’aan ku yaala degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe, qaraxaasoo lagu aasay Dugsigaasi ay wax ka barataan Ardey fara badan.
Waxaa la sheegay in Qaraxa Dugsiga ka dhex kacay xili ay Ardeyda ku sugnaayeen waxbarashadooda diiniga ahna wateen, waxaana ku la’day Ardey Fara badan.
Qaraxan ayaa ku geeriyooday ilaa 7 ardey oo ka mid ahaa Ardeydii Dugsiga ka baranaysay Qur’aanka Kariimka, waxaana ku dhaawacmay 20 meeyo kale.
Lama oga ilaa iyo iminka cida ka dambeysa qaraxaan iyo ujeedadii laga lahaa Dugsiga Qur’aanka lagu baranaayay in la qarxiyo waliba iyadoo ay caruur yar yar ku sugnaayeen xiligaasi.
Maamulka gobolka Sh/dhexe Dowladda KMG ma jiraan wali wax war ah oo ka soo baxay, waxaana goobta ku sugan ciidamo fara badan oo goobta gaaray, iyadoo Dhaawacyada Caruurta loo qaaday Isbitaalada Magaalada Muqdisho.
Wixii ku soo kordha la soco.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com