DEG DEG AH: Dagaalo u dhaxeeya Alshabaab iyo Ciidamada Kenya oo ka socda jubada Hoose.
Soomaalinews.com 27 Aug 12, 07:30

Dagaalo u dhaxeeya ciidamada Kenya, kuwa Dowladda KMG oo isku dhinac ah iyo Xarakada alshabaab oo dhinac ah ayaa waxa ay ka socdaan Deegaano ku duleedka kaga beegan Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada hoose.

Dagaalada oo ah kuwo xoogan ayaa la isku adeegsanayaa hubka culus iyo midka fudud, wararka waxay sheegayaan in Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Kenya ay ku sii siqayaan Magaalada Kismaayo.

Dagaalka xoogiisu waxa uu ka socdaa deegaanka Taankaroon oo duleedka kaga beegan Magaalada kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada Hoose.

Dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ah ayuu sababay dagaalada saaka ka socda Deegaanada duleedka magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada Hoose sida ay dadka deegaanka sheegeen.

Cabsi xoogan ayaa laga dareemayaa Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose, iyadoo dadka deegaanka ay ka cabsi qabaan inay saameeyaan dagaaladaasi.

Wixii ku soo kordha la soco.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698