Doorashada Guddoomiyaha Baarlamanka iyo labadiisa ku xigeen oo dib u dhacay 28-ka Bishan.
Soomaalinews.com 25 Aug 12, 03:21

Guddiga Farsamada Qaban Qaabada Doorashada Guddoomiyaha Baarlamanka iyo labadiisa ku xigeenka ayaa sheegay in maanta oo Sabti ah la soo gabagabeeyo ololaha Doorashooyinka, iyadoo 28-ka Bishan la dooran doono Guddoomiyaha Baarlamanka iyo labadiisa ku xigeen.

Waxay wararka saaka sheegayaan in Doorashada Guddoomiyaha Baarlamanka iyo labadiisa ku xigeen ay dib u dhacday 28-ka Bishaan oo ku beegan maalin Talaada ah, iyadoona saaka lagu wado in la soo gabagabeeyo qabashada Araajida Musharaxiinta Guddoonka Baarlamanka iyo labadiisa ku xigeen.

Ugu danbeyntii Baarlamanka Cusub Soomaaliya marka ay doortaan Guddoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen maalinta talaadaha ah ayaa waxaa lagu wadaa in ay ku dhawaaqaan Waqtiga ay dhacayso Doorashada Madaxweynaha Dalka Soomaaliya.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698