Duleedka Muqdisho oo dagaallo culus ay ka dheceen
Soomaalinews.com 25 Aug 12, 03:21

Dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo Xarakada Al-shabaab ayaa xalay ka qarxay degaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka Magaalada Muqdisho.

Dagaalkaa oo sida la sheegay ay qaadeen ciidamada Xarakada Alshabaab oo ku duulay deegaanada duleedka Muqdisho ayaa waxaa la sheegay inuu ku faafay degaanno kale oo duleedka Ceelasha Biyaha ka tirsan.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii xoogaga Al-shabaab ay xalay ay weerareen deegaanka Ceelasha Biyaha oo horey ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM uga qabsadeen xarakada Al-shabaab, halkaasoo ciidamada Al-shabaab ay si iskood ah isaga bexeen.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698