Kooxaha u dhaq dhaqaaqa siyaasada dalka Uganda ayaa ku hanjabay in ay dibadbaxyo ballaaran ka dhigi doonaan dalkaasi haddii Ciidamada Milatariga Uganda ee qeybta ka ah holwgalka AMISOM laga soo saari waayo dalka Soomaaliya.
Bernard Luyiga oo ah Madaxa Isbaheysiga Muwaadiniinta Uganda ee ka hadla arrimaha Soomaaliya oo hadalay shalay oo Khamiis aheyd ayaa cambaareeyay waxa uu ugu yeeray kulug lahaanshaha Uganda Soomaaliya.
Saraakiisha dowladda Uganda ayaan daboolka ka qaadin inta askari ee kaga geeriyootay howlgalka ay ka wadaan Soomaaliya tan iyo intii ay ciidamadoodu soo gaareen dalka, waxaana arrinta kaliya oo ay sheegaan ay tahay in Nafhurnimadu ay tahay Mid qiimo leh, hase ahaatee muwaadiniin reer Uganda ah ayaa su’aashan maskaxdooda ku jirtaa, una baahan in jawaab waafi ah laga siiyo.
Dhanka kale afhayeenka Ciidamada Milatariga Uganda ee ku sugan Soomaaliya Kornel Felix Kulayigye ayaa ka soo horjeestay hanjabaadda ka soo yeertay Kooxahaani, waxaana uu sheegay in danta ugu weyn ee ay Soomaaliya ka leeyihiin ay tahay in ay xasiliyaan sida uu hadalka u dhigay.
Hajabaadan ka soo baxeysa kooxaha u dhaqdhaqaaqa siyaasadda dalka Uganda ayaa imaaneysa in ka badan Isbuuc markii Saddax diyaaradood oo nuuca Helicopters-ka ah oo ay la heed dowladda Uganda ay ku bur bureen hawada Kenya, kuwaasi oo ku soo jeeday Soomaaliya, waxaan ku geriyooday 7-askari iyadoo tan iyo xiligaasi wixii ka dambeeyay ay korortay su’aasha ah sababta 6-kun oo Askari oo Uganda ah ay u joogaan ciidda Soomaaliya.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com