Midowga Yurub iyo S/afrika oo ka wada hadlaya arimaha Soomaaaliya
Soomaalinews.com 24 Aug 12, 11:53

Haweenayda Siyaasadda Dibadda u qaabilsan Ururka Midowga Yurub Catherine Ashton ayaa shaacisay inay booqasho ku tageyso dalka Koofur Afrika halkaasi oo ay kula kulmi doonto hoggaanka dalkaasi.


War laga soo saaray Xafiiska Ashton ee Magaalada Brussels ayaa lagu sheegay in Haweenaydaani ay hoggaanka Koofur Afrika kala hadli doonto arrimo badan oo ay ugu horeyso Xaaladda ay dalka Soomaaliya ay ku jirto iyo sidii loo horumarin lahaa siyaasadda iyo arrimaha burcad badeeda Soomaalida.


Dhinaca kale Ashton ayaa soo dhaweysay kala fadhiyada cusub ee barlamanka Soomaaliya uu yeellanayo taasi oo ay ku tilmaamtay inay tahay mid taariikhi ah islamarkaana muujinaysa sida Soomaaliya ay kaga go’an tahay inay helaan ammaan iyo kala dambeyn.


Catherine Ashton ayaa tibaaxday inay muhiim tahay helidda Doorkii ay Haweenka ku lahaayeen barlamanka iyo Hay’adaha kala duwan ee dalka Soomaaliya sida ay u hadalka u dhigtay.


Midowga Yurub ayaa taageero buuxda siiya Ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa Midowga Afrika AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, iyadoo sidoo kale ay xusid mudan tahay inay qeyb ka tahay la dagaalanka Kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698