Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Odayasha Dhaqanka ee soo xulay Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya lagu amray inay ka baxaan guryo horay ay u dajisay Dowlada Soomaaliya,kuwaasi oo ku yaala agagaarka garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.
Ugaas Maxamed Bashiir Ugaas Xasan oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee soo xulay Baarlamaanka cusub oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in amarkaasi la siiyay inay ka baxaan guryihii ay degenaayeen.
Sidoo kale Ugaaska ayaa sheegay in xitaa laga jartay cuntadii ay cuni jireen,waxaana uu sheegay inaysan garanayen cidda amarkaasi bixisay.
Dhanka kale wuxuu xusay Ugaas Maxamed Bashiir in uu u tagay masuuliyiinta Hotelada iska lahaa islamarkaana uu weydiiyay waxyaabaha keenay in laga bixiyo guryaha,waxaana uu sheegay in lagu wargeliyay inay amarkaana ay dowlada bixisay.
Ugaas Maxamed Bashiir ayaa sheegay inay jiraan dad doonaya inaysan socon dowlada oo ku dhexjira Dowlada waqtigeeda dhamaaday oo amarkaan bixiyay sida uu hadalka u dhigay
Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowlada oo ay kaga jawaabayaan hadalka kasoo yeeray odayaasha dhaqanka ee sheegay in laga bixiyay guryihii ay degenaayeen.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com