Guddoomiyayaasha Degmooyinka Luuq iyo Baladxaawo oo xilalkii laga qaaday lana magacaabay kuwo cusub.
Soomaalinews.com 23 Aug 12, 09:44

Wararka naga soo gaaraya caasimadda Gobolka Gedo ee magaalada Garbahaareey ayaa waxa ay sheegayaan in Gudoomiyihii degmada Luuq iyo Baladxaawo laga qaaday xilalkooda.

Maamulka Gobolka Gedo ee dowladda Soomaaliya ayaa waxa uu xilkii ka qaaday Axmed Guure Maxamed oo ahaa Gudoomiyihii hore ee degmada Luuq, isagoo Duq cusub u magacaabay Cabdullahi Ibraahim.

Gudoomiyihii xilka laga qaaday Ee Luuq Mr Axmed Guure Maxamed ayaa waxa uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay xilkii laga qaaday, maadaama in badan uu soo maamulaayay degmada Luuq ee Gobolka Gedo oo Koonfurta Somaliya dhacda.

Cabdullahi Ibraahiim oo loo doortay Gudoomiyaha cusub ee degmada Luuq ayaa waxa uu tilmaamay inuu si cadaalad ku jirto uu ugu shaqeen doono umadda reer Luuq, islamarkaana ka codsaday Shacabka in ay si dhow ula shaqeeyaan.

Munaasabadda ayaa sidoo kale xilka looga qaaday Gudoomiyaha Baladxaawo, laguna magacaabay Gudoomiye cusub oo uu yeelan doono degmadaasi Buulo Xaawo ee Gobolka Gedo.

Wali ma cada sababta rasmiga ah ee keentay waqtigaan in xilka laga xayuubiyo Gudoomiyaasha degmooyinka Luuq iyo Balad Xaawo lakin sida muuqata waxaa Gobolka Gedo ka socota isku shaandheen.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698