Banaanbax ka dhan ah Faroole iyo Mahiga oo gil gilay Magaalada Widh Widh.
Soomaalinews.com 23 Aug 12, 09:25

Banaanbax balaaran ayaa maanta gil giley magaalada Widh Widh, Banaanbaxan oo looga soo horjeeday faragalinta Faroole iyo Mahiga ku hayaan soo xulista xildhibaanada maamul goboleedka Khaatumo State.

Shacabka ku dhaqan gudaha magaalada Widh Widh ayaa iskugu soo banaanbaxay fagaarayaasha magaaladaasi, iyadoo ay shacabku ku muujinayeen dareenkooda banaanbani.

Kadib markii layskugu yimid goobaha fagaarayaasha ayaa waxaa halkaasi ka hadley Cuqaasha, Waxgaradka, Culimaa’udiinka, Madax iyo dhamaan bulshada qeybaheeda kala duwan, iyadoo ay qudbadihii halkaasi ka dhacey ay ahaayeen kuwo muujinaya rabitaanka shacabka oo ahaa markaasi inay aad uga xunyihiin faragalinta Faroole iyo Mahiga ku hayaan soo xulida xildhibaanada kasoo jeeda maamul goboleedka Khaatumo State, Isla markaana ay dhaleeceynayaan.

Sidoo kale waxaa halkaasi hanjabey isla markaana dhaleeceeyay, Cuqaasha ku sugan magaalada Widh Widh ee ka tirsan degmooyinka gobolka Cayn, Inaysan u dulqaadan doonin faragalintan ay ku hayaan Faroole iyo Xulufada uu wataa, Dhibka ay ku hayaan soo xulista xildhibaanada maamulka Khaatumo State.

Si kastaba ha ahaatee shacabka ku dhaqan magaalada Widh Widh ayaa sheegay inaysan mar naba u dulqaadan doonin cid jecel in ay faragaliyaan Talada Isimada reer Khaatumo State iyo Xaqa ay xildhibaanada ku leeyihiin magaalada Widh Widh, Cidii soo fara galisan ay talaabo sharci ah ka qaadi doonaan, Mahiga Iyo Faroole kuwa uu wato ee umada reer Khaatumo State ku dhabar garaacayana ay markaasi kasoo horjeedaan, Si mideysana talaabo uga qaadi doonaan arinkaas hadaan wax laga badelin.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698