Faahfaahin: Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa Ahlusunna oo ku dagaalamay Matabaan.
Soomaalinews.com 23 Aug 12, 08:51

Wararka laga helayo Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in shalay magaaladaasi dagaal ku dhexmaray Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa Ahlusunna Waljamaaca.

Dagaalka ayaa qarxay kadib markii Ciidamo ka soo baxay Magaalada Baladweyne oo uu watay guddoomiyaha gobolka Hiiraan dowladda KMG uu gaaray degmadaasi.

Kadib markii ay ciidamadaasi gudaha u galeen Magaalada Matabaan waxaa bilowday dagaal dhexmaray labada Dhinac, waxaana ka dhashay khasaare soo gaaray dadka deegaanka iyo dhinacyadii dagaalamay.

Dadka deegaanka ayaa sheeegay dagaalka inay ku dhinteen dad rayid ah iyo dhinacyadii dagaalamay, xaalada saakana ay tahay mid dagan, waana lagu dhex jiraa ciidamadii dagaalamay.

Muddooyinkan ayaa waxa uu muran ka taagnaa maamulka magaalada Matabaan ee gobolka Hiiraan dowladda KMG u soo magacowday iyo ururka Ahlusunna Waljamaaca.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698