Waxaa maanta magaalada Muqdisho kullankoodii labaad ku yeelanaya Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamanka Soomaaliya iyagoo ku kulmi doona xarunta Gaadiidka Booliska ee Magaalada Muqdisho.
Guddiga doorashada Fadhiga ay maanta ku yeelanaya magaalada Muqdisho waxa uu ajandihiisu yahay uruurinta iyo qabashada araajida musharaxiinta u taagan xilka Guddoonka sare Baarlanaka KMG ee Soomaaliya iyo labada ku xigeen.
Waxay sheegeen Xildhibaanada Baarlamanka Cusub inay isa soo tarayaan musharaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoonka sare ee Baarlamanka, iyadoo aan laga hor dhici Karin nitiijooyinka kasoo baxa kullanka lagu wado in maanta mar kale ay yeeshaan Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoonka sare ee Baarlamanka KMG ee Soomaaliya.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com