Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda KMG oo lagu dilay Magaalada Afgooye.
Soomaalinews.com 23 Aug 12, 06:00

Wararka ka imaanaya magaalada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaasi xalay lagu dilay Sarkaal ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya.

Kooxo hubaysan ayaa la sheegay inay dileen Sarkaalkaan, iyadoona weli aanay jnirin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan magaca sarkaalkan iyo qaabka uu dilkiisu u dhacay.

Xiriiro kala duwan oo aan la samaynay saraakiisha Ciidamada dowladda KMG Degmada Afgooye ku sugan ayaana inoo suurtagelin, iyadoona durba halkaasi ay howlgalo ka bilaabeen ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya.

Xaalada magaalada Afgooye ayaa waxay tahay mid aad u qasan saaka, iyadoona dhammaan dadka ay ku wada xaroodeen guryahooda, waxaana magaalada dhan ka socda howlgalo baaris ah.


Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698