Mudane ka tirsan Baarlamanka Cusub ee Soomaaliya ayaa ka digay Shidaal Qodis Shirkadd Dowladda Kenya ka socota ay ka wado gobolada Jubooyinka, iyadoo maalmihii ugu dambeeyey ay soo baxayeen baaqyo kala duwan oo loo jeediyey Baarlamanka Cusub.
Xildhibaan Maxamad Cumar Dalxa oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamanka Cusub ee soomaaliya ayaa uga digay dowlada Kenya inay joojiso Ceelalka Shidaal oo ay doonayso inay ka qodo dalka Soomaaliya.
Dalxa ayaa waxa uu ugu baaqay Beesha Caalamka in Xildhibaanada Cusub ay garab ka siiyaan sidii ay kaga hortagi lahaayeen Arrimahaasi, maadaama ay yihiin golaha Sharciga ah ee dalka Soomaaliya uu leeyahay.
Dowladda Kenya oo qeyb ka ah ciidamadeeda howlgalada AMISOM ayaa waxay joogaan qeybo ka mid ah gobolada Jubooyinka waxaana lagu eedeeyey inay wado qodista Ceelal shidaal oo ay ka wado gobolada Jubooyinka ee Koonfurta Soomaaliya.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com