Madaxweynaha maamulka Galmudug oo kormeer ku jooga deegaano ka tirsan Mudug.
Soomaalinews.com 23 Aug 12, 04:45

Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeydiid wafdi uu hogaaminayo ayaa kormeer ku jooga deegaano ka tirsan Gobolka Mudug.

Cabdi Qeydiid oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay inay ku sugan yihiin deegaan lagu magacaabo Gud oo Gaalkacyo u jira 150 KM, isagoo sheegay booqashada kormeerkiisa deegaanadaasi inay qaadan doonaan maalmo.

Mar uu ka hadlay ujeedka booqashada deegaanada Mudug ayuu sheegay inuu ugu dan leeyahay sidii uu u kuur gali lahaa xaalada Caafimad, Amaan, Waxbarasho ee ka jira deegaanadaasi, isagoo sheegay in si weyn loogu soo dhaweeyey halkaasi.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Qeydiid waxa uu sheegay inaysan aqbali doonin in deegaanada Galmudug lagu heesto dad la soo afduubtay, waxaana uu ugu baaqay kooxaha Burcad badeeda Soomaalida ku sugan deegaanadaasi inay iska sii daayaan dadka ay afduubka ahaanta u heystaan ama ay deegaanada Galmudug ay kala baxaan.

Ugu danbeyntii Cabdi Qeydiid waxa uu sheegay in la dagaalanka burcad Badeedu ay kala kaashan doonaan Beesha Caalamka haddii aysan ka bixin deegaanada maamulkiisa.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698