Askari katirsan Ciidamada dowlada KMG ayaa si barer ah dadk shacab ah ugu saraaseeyay Isgoyska Sanca iyadoona weerarkaas uu khasaaro xoogan ka dhashay.
Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in askari katirsan ciidamada dowlada uu rasaas la dhacay gaari nooca PL-ka ah kaas oo marayay isgoyska Sanca.
Waxaa Halkaa sku geeriyooday ilaa 3 Ruux iyadoona dhaawaca uu ka badan yahay ilaa shan.
Dadka geeriyooday ayaa ahaa Kuwii saarnaa gaariga waxaana ku jiray darawalkii gaariga waday.
Ninkan dilka gaystay ayaa goobta isaga baxsaday waxaana dhaawacii loola cararay isbitaaladda halka dadkii kalana laga daadgureeyay goobta.
Lama Oga sababta ka danbeysay in askarigan uu rasaas badan la begsado gaari, waxaase xiliyada qaar ay raga ciidamada dharkooda ku labisan gaystaan falal dil ah oo kuwan lamid ah.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com