Meydka Ra段isul Wasaarihii Itoobiya Meles Zanawi oo la geeyey Magaalada Addis Ababa.
Soomaalinews.com 21 Aug 12, 20:54

Meydka Ra段isul Wasaarihii dalka Itoobiya Meles Zanawi ayaa waxaa daqiiqado yar ka hor la geeyey Magaalada Addis Ababa ee Xarunta dalka Itoobiya, iyadoona kumaan kun oo dad ah ay ka qeyb galeen soo dhawaynta meydka Zanawi.

Masuuliyiinta dowladda, Saraakiisha Ciidamada, Qoyskiisa, Safiirada Safaarada dalalka Beesha Caalamka dalka Itoobiya iyo Wufuud kale ayaa ka qeyb galay soo dhawaynta Meydka Ra段isul Wasaaraha Dalka Itoobiya, halkaasoo Saraakiishu salaan sharaf ka qaatay Meydka.

Waxaa loo qaaday meydka Ra段isul Wasaarihii Itoobiya Qasriga uu ka daganaa Magaalada Addis ababa, waxaana wadooyinka magaalada is qabsaday kumaan kun dad ah oo Ooynaya kana tiiraanyeysan geerida ku timid Ra段isul Wasaarihii dalkaasi.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698