Taariikh kooban Ra iisul Wasaarihii hore Dalka Itoobiya Meles Zanawi (Warbixin).
Soomaalinews.com 21 Aug 12, 09:13

Ra isul Wasaare ku xigeenka dalkaas Hailmariam Desalegn oo ah wasiirka arrimaha dibbada ayaa shaaciyay geerida Sargaalkan, sidoo kale waxaa uu sheegay in isaga uu sii heyn doono Booskii uu baneeyay Malez Zanawi.


 Meles waxaa uu ku dhashay deegaanka Adwa, Tigray ee waqooyiga Itoobiya sanadkii 1955-tii hooyadiis waxaa ay kasoo jeedaa deegaanka Adi Quala ee Itoobiya. Waxaa uu Waxbarashadiisa sare kusoo qaatay General Wingate ee Magaaladda Adis Ababa, waxaa sidoo kale oo waxbarasho caafimaad kasoo dhameeyay Addis Ababa University .


Waxaa uu geeriyooday 20-kii Bishan August, iyadoo lagu xasuusan doono arimo badan oo ay ku jiraan lugtii uu ku lahaa Xaaladda Soomaaliya.


 Waxaa uu siyaasad muuqata ku dhexlahaa dowladihii Soomaaliya loo soo dhisay wixii ka danbeeyay bur burkii dowladii dhexe ee Soomaaliya.


 Waxaa ay Ciidamadiisa kusugnaayeen ilaa iyo hadana kusugan yihiin gudaha Soomaaliya iyagoo la dagaalamaya Xarakada Alshabaab.

Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698