Xildhaabanada cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay kulankoodi labaad ku yeelanayaan xarunta gaadiidka Booliska ee magaalada Muqdisho.
Kulankan ayaa yimid kaddib markii si rasmi ah maalintii shalay kulankooodi ugu horeeyay ay ku yeesheen Garoonka Muqdisho ee Aadan Cadde halkaasi oo lagu dhaariyay mudanayaasha barlamanka cusub, iyadoo shir gudoon loogu doortay General Muuse Xasan oo ah mudanaha ugu da’da weyn barlamanka Soomaaliya kaasi oo shalay si KMG ah loogu doortay in uu noqdo sii hayaha xilka Guddoomiyaha Barlamanka.
Gen: Muuse Xasan oo ka hadlay madasha kulanka uu ka furmay maalintii shalay ayaa shaaciyay in lagu kulmayo xarunta gaadiidka Booliska halkaasi oo ah goobihii loogu talo galay inay ka dhacaan doorashooyinka dalka.
Maanta oo ah maalintii Labaad oo ay kulmaan xubnaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in mudanayaasha barlamanka cusub ay kulankoodi labaad ay ku yeeshaan xarunta Gaadiidka Booliska ee Magaalada Muqdisho iyadoona kulanka uu furmi doono 12-ka duhurnimo ee maanta .
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com