Banaanbax ay qabanqaabiyeen hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho oo lagu wado inuu maanta ka dhaco Muqdisho.
Soomaalinews.com 21 Aug 12, 08:04

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho waxay tilmaamayaan inay soconayaan qaban qaabada Banaanbax ay abaabuleen Hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho kaasoo lagaga horjeedo go’aankii dhawaan guddiga Farsamada uu dib ugu celiyey rag ka tirsanaa Hogaamiye kooxeedyadii Haweiye inay ka mid noqdaan Baarlamanka Cusub.

Qaban qaabiyayaasha banaanbaxan ayaa sheegay inay ka soo horjeedaan in hogaamiyeyaashii beelaha Hawiye loo diido inay ka mid noqdaan Baarlamanka Cusub, loona ogolaado kuwii ka tirsanaa Beelaha kale.

Banaanbaxayaasha oo socod dheer ku soo maraya wadooyin badan ayaa wali si la sheegin halka ay socodkooda ku soo gabagabayn doonaan, laakiin magaalada Muqdisho ayaa laga dareemayaa abaabulka banaanbaxyadaasi.

Wixii ku soo kordha warkan kala soco wararkeena xiga insha allaah.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698