Madaxweyne Shariif Dalka ku meel gaarinimada dhibaato ayuu soo marsiiyey.
Soomaalinews.com 21 Aug 12, 07:52

Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa shaaciyey in marxalada KMG dalka inuu soo marsiiyey dhibaato adag, isagoo sheegay xaalada dalka hadda uu marayo inay tahay marxaaladii ugu wanaagsanayd.


Shariif Sheekh AXmed ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay taageeraan ka gudbida Xiliga KMG ah, isagoo sheegay in KMG dalka uu dhibaato ku hayay marka loo eego xaaladihii hore.


“Dalka ku meel gaarinimada dhibaato ayuu soo marsiiyey, laakiin hadda waa laga gudbay oo waxaa la helay dowladd dhamaystiran” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya.


 Ugu danbeyntii hadalkan ayuu jeediyey maalintii shalay markii la dhaariyey Xildhibaanada Baarlamanka Cusub ee soomaaliya, ayna dhammaatay waqtigii madaxda dowladda KMG Soomaaliya.

Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698