War goor hadda ay na soo gaaray ayaa sheegaya inuu geeriyooday Ra’iisul Wasaarihii Dalka Itoobiya Meles Zanawi, waxaana geeridiisa laga shaaciyey Taleefishinka Qaranka.
Masuul ka tirsan dowladda Itoobiya ayaa sheegay in Meles Zanawi uu geeriyooday una geeriyooday xanuun Kansarka ah oo in muddo ah la xanuunsanaa.
Sidoo kale masuulka u hadlay dowladda Itoobiya waxa uu sheegay in Meydka Meles Zanawi loo soo qaadayo dalka itoobiya si loogu aaso. Horay ayaa loo sheegay inuu Geeriyooday Ra’iisul Wasaarihii dalka Itoobiya, laakiin xukuumadda ay qarinaysa geeridaasi, isagoo dalka xukumayay muddo 21 sanadood ka badan.
Wixii ku soo kordha warkan kala soco wararkeena xiga insha allaah.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com