Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdi Weli Maxamed Cali ayaa dhamaan muslimiinta Caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed Hawada u marinayay hambalyo ku aadan farxada Ciidul Fitriga.
Ra’isul wasaaruhu wuxuu Hambalyo u dirya dhamaan Umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, isagoona sheegay in Umadd kasta ay leedahay Ciid iyo munaasabado ay weeyneeyaan, hase yeeshee Ilaahay SWT waxaa uu Umaadda Islaamka u jideeyey laba Ciidood oo kala ah Ciidul Fitri iyo Ciida udxiyada, Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan waa u dabaal dagaan labadaas Ciidood.
Ugu dambeyntii Ra’iisulaha waqtigiisa sii dhammaanaya ayaa ugu baaqay umada Soomaaliyeed ay isa saamaxaan, una midoobaan sidii ay u bar bar istaagi lahaayeen Dowladda Cusub ee Soomaaliyeed, taasoo ay sheegeen inay tahay midii looga bixi lahaa KMG-nimada Soomaaliya.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com