Waxaa Caawa Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia iyo Xarunta Xalane oo fariisinka militari u ah Ciidamada AMISOM laga riday Bululeyr lagu soo dhawaynaayo Munaasabada Ciidul Fidriga.
22-sanadood kadib waxaa caawa la riday oo dhagaha shacabka Soomaaliyeed ku dhibcay Shanqarta Dhawaqa culus ee Bululeyrka kaasoo iftiinkiisu is qabsaday magaalada oo dhan.
Shacabka Magaalada Muqdisho ee horay nasiibka ugu yeeshay dowladdii dhexe ayaa dib u xasuustay caawa markii ay arkeen hawada oo is qabsaday Bululeyrka dowladdii hore ee Marxuum Maxamad Siyaad Barre.
Ugu danbeyntii shacabka Muqdishoa waxaa dhagahooda ka daalay madaafiic iyo rasaas, laakiin caawa oo ah Munaasabada koowaad ee Ciidul Fidriga waxay maqleen shanqarta Bululeyrka oo cirka is qabsaday.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com