Shuruudii Aqoonta ee lagu xiray mudanayaasha Cusub ee Baarlamanka Soomaaliya oo hoos loo dhigay kadib markii qaar ka mid ah…
Soomaalinews.com 18 Aug 12, 19:30

Mid ka mid ah guddiga xubnaha guddiga xulista baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in hoos loo dhigay shuruudii aqoonta ee lagu xiray mudanayaasha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya kadib markii qaar ka mid ah saxiixayaasha ay saameyn ku yeelatay.

Xubinta ka tirsan guddiga ayaa galabta sheegay in qodobkii ahaa in shahaadada dugsiga sare iyo wax ka sareeya laga rabo xildhibaanka baarlamaanka soo galaya laga saaray laguna bedelay qodob sheegaya “in waxbarasho aan toos ahayn” uu leeyahay xildhibaanka cusub.

Shuruudan ayaa sheegeysa in xildhibaanka looga baahan yahay oo kaliya “INUU WAX QORI KARO WAXNA AKHRIN KARO” sida xubinta ka tirsan guddiga ay shaacisay.

Sidoo kale waxaa laga dhaafay in xildhibaanka uu yaqaano luqadaha gaar ahaan Carabiga iyo English-ka oo aqoonta qeyb ka ahayd, waxaana hadda laga dhigay in qofku wax akhrin karo waxna qori karo oo kaliya.

Xubintan oo magaciisa ka gaabsaday ayaa sheegay in sababta loo bedelay shuruudan ay tahay kadib markii xubno ka mid ah lixda saxiixayaasha ee horey u saneeyay shuruudan ay ka cawdeen inaysan ka soo bixi Karin shuruudan ama rag ay iyaga wataanloo diiday baarlamaanka aqoondari awgeed maadaama aysan heysan wax shahaado dugsi sare ama mid jaamacadeed toona.

Beryihii u dambeeyay waxaa soo baxay cabasho iyo hadalheyn xoog leh oo ku saabsan in rag badan xildhibaanimada loogu diiday shahaado la’aan taasoo qaar ka mid ah saxiixayaasha ay ku doodeen inaysan aqbali Karin arintaasi.

Dhanka kale xubnaha guddiga farsamada ee ka kooban 27 xubnood ayaa dhinac isaga riixay eedeymo uu shalay soo jeediyey madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo saxiixayaasha ka mid ah oo ku eedeeyey guddiga inay dad ka saareen xildhibaanimada, waxayna guddigu cadeeyeen inay raaceen dukuminti ay saxiixeen lixda saxiixayaasha ah.


Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698