Dagaallo caawa ka socda duleedka Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.
Soomaalinews.com 18 Aug 12, 17:49

Dagaallo u dhaxeeya Ciidamada Xarakada alshabaab iyo Ciidamada Itoobiya ayaa caawa ka qarxay duleedka Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay, iyadoo dagaalada socda ay soo qaadeen Ciidamada Xarakada Alshabaab.

Wararka waxay sheegayaan dagaalada Caawa inay ka qeyb qaadanayaan gaadiid dagaal oo Ciidamada Xarakada Alshabaab ay u isticmaalayaan dagaalada, waxaana adag in la ogaado dhimashada iyo Dhaawaca kala gaaray dhinacyada dagaalamaya.

Magaalada Baydhabo gudaheeda ayaa laga maqlayaa rasaasta iyo hubka kale ee dagaalada labada Dhinac.

Dagaalka caawa waa mid culus oo si xowli ah ku socda, xaalada Magaalada Baydhabo duleedkeena waa mid aad u kacsan oo xaalad dagaalo ah.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698