Maalinta Barito ah oo la isku raacay inay tahay Ciidul Fitriga.
Soomaalinews.com 18 Aug 12, 17:24

Muslimiinta Caalamka ayaa isku raacay in maalinta bari ah inay tahay maalinta Ciidul Fudriga, iyadoo 30 bari oo la soo soomay bari loo dabaal dagayo maalinta Ciidul Fidriga.

Maamulka iyo Wariyayaasha Soomaalinews.com ayaa hambalyo ku aadan Ciidul Fidriga u diraya guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed iyo waliba Muslimiinta Caalamka.

“Ciidan Ciideeda kale ee xigta waxaan alle ka baryaynaa inuu nagu gaarsiiyo Nabad iyo Barwaaqo” ayuu yiri Maamulka Sare Shabakada Soomaalinews.com Xarunta Magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Ugu danbeyntii ciidan ayaa imaanaysa xili dhammaan Ummaddaha Muslimiinta ay isku raaceen inay tahay maalin ciid oo aan lahayn wax tafaraaruq iyo kala qeybsanaan sida horay looga bartay ciidihii hore.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698