Galabta waxaa si wanaagsan u furmay Horyaalka Premier league waxaana bilwgiisa laga soo calaamadeeyay yaab iyo Fajac qabsaday qaar kamid ah kooxihii ugu waa waynaa horyaalkaas.
Kooxda bilowga horyaalka lagu faraxashay oo ah koox magac iyo sumcad kuleh horyaalka England waa kooxda Liverpool oo cashar ay u qortay kooxda yar ee West Bromwich.
Livepool ayaa looga badiyay goolal ay kala dhaliyeen Z. Gera, Odemwingie iyo Xidiga Chelsea ku wareeray ee Lukaku,waxaa kale oo Liverpool ay ka badbaaday gool kulaad ay heshay kooxda West Bromwich.
Liverpool waxaa kaarka guduudan galabta laga siiyay Daafaceeda Agger,Sidaas ayaa Liverpool 3-0 looga badiyay.
Kulanka kale ee Xiisaha lahaa waxaa uu ahaa kan dhexmaray kooxaha Arsenal iyo Sunderland lakiin kulankaas ayaa waxaa Nasiibka uu ka eexday Wiilasha Wenger ee Arsenal oo 93 daqiiqo ee ciyaarta gool raadiyay lakiin aysan helin,waxaana ay ciyaartooda ku dhamaatay 0-0.
Balse kooxaha Galabta bandhiga goolasha banaanka soo dhigay waxaa ay ahaayeen kooxaha Swansea iyo Fulham oo Min shangool ku badiyay.
Swansea ayaa 5-0 kudhufatay kooxda Queens Park halka Fulham ay 5-0 kaga badisay Norwich.
Guud ahaan Ciyaaraha ayaa u dhacay sidaan
Arsenal 0 – 0 Sunderland
Fulham 5 – 0 Norwich C.
Queens Park R. 0 – 5 Swansea C.
Reading 1 – 1 Stoke C.
West Bromwich A. 3 – 0 Liverpool
West Ham U. 1 – 0 Aston Villa
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com