Qarax Miino ayaa xalay ka dhacay Degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo, waxaana ku geeriyooday 3-ruux sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidamada dowladda KMG ee gobolka Gedo.
Aadan Axmed Xirsi rufle oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada dowladda KMG Degmada Baladxaawo ayaa sheegay in qaraxaasi ay ku dhinteen dadkii dhigayay, goobtaasina ku geeriyoodeen sida uu hadalka u dhigay.
Sarkaalkan waxa uu sheegay in qaraxu ka dhacay suuqa Bacadlaha Degmada Baladxaawo, iyadoo aan jirin saddexda ruux ee aasayay qof aan ahayn oo qasaare ka soo gaaray.
Howlgal ay sameeyeen qaraxa kadib Ciidamada dowladda KMG, waxaa la sheegay inay ku soo qabqabteen dad badan oo lagu eedeeyey inay xiriir la leeyihiin dadkii ka dambeeyey.
Ugu danbeyntii waxaa Degmada Baladxaawo ku soo badanaya qaraxyada iyo dilalka lala bartilmaameedsado ciidamada iyo mas’uuliyiinta dowladda KMG ah.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com