Kooxo hubaysan oo Magaalada Baladweyne ku dilay qof rayid ah.
Soomaalinews.com 16 Aug 12, 05:29

Kooxo hubaysan oo aan heebtooda la garanayn ayaa xalay Qof rayid ah ku dilay Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.

Qofka rayidka ah ee la dilay oo ahaa Nin si weyn looga yaqaanay Magaalada ayaa Magaciisa lagu soo koobay Axmed, lamana garanayo ilaa iyo hadda waxa ay kooxahaasi u dileen Ninkaasi Rayidka ahaa.

Dableyda dilka geystay oo ku hubaysnaa bastoolado ayaa markii ay dilka geysteen kadib goobta ka baxsaday, waxaana goobta soo gaaray Ciidamada Maamulka dowladda KMG ee gobolka Hiiraan.

Mid ka mid ah Ehelada Ruuxa rayidka ah ee la dilaya yaa sheegay in wax lug ah ku lahayn Xaalada siyaasadeed ee gobolka Hiiraan.

Ugu danbeyntii amaanka Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa ku soo badanaya dilal, Qaraxyo iyo weeraro qorsheysan oo magaalada ka dhaca kuwaasoo inta badan lagu weeraro Fariisimaha Ciidamada Maamulka Hiiraan iyo kuwa Itoobiya.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698