Aqoonyahan Daqare “Khilaafka Shariif iyo Gaas dib u dhac ayuu u keenayaa habsami socodka isbedelka dalka..”.
Soomaalinews.com 16 Aug 12, 05:14

Aqoonyahan C/raxmaan Daqare oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka ayaa wuxuu sheegay in khilaafka Madaxweynaha dowladda iyo Ra’iisul Wasaaraha uu la mid yahay khilaafyadii soo kala dhexgali jiray madaxdii dowladda taasi oo dhib udhac ku keenaysa habsami socodka isbedelada dalka.

Wuxuu sheegay in khilaafka hada soo shaacbaxay uu yahay mid aan saacideyn umadda Soomaaliyeed oo dhammaan isha ku haya is badalka dalka ee 20-ka Agoosto kadib la filayo in dalka uu yeesho dowladd Rasmi ah oo aan KMG ahayn.

“Khilaafka Shariif iyo Gaas dib u dhac ayuu u keenayaa habsami socodka isbedelak dalka..” ayuu yiri Aqoonyahan C/raxmaan Daqare.

Hadalkiisa ayuu intaa ku daray Aqoonyahan C/raxmaan Daqare in loo baahan yahay in xilligan ay diyaar ahaadaan xildhibaanada cusub sidoo kalena la doorto Afhayeenka baarlamaanka maalmaha soo socdana Madaxweynaha la doorto.

Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa hada waxaa muuqata inuu ka dhaxeeyo khilaaf xoogan, xilli labada masuul waa Ra,iisul Wasaare C/wali iyo Madaxweyne Shariif labaduba ay yihiin musharaxiin u taagan qabashada xilka Madaxtinimada dalka Soomaaliya.

Ugu danbeyntii 20-August ayaa lagu wdaa in dalka ay ka dhacdo doorasho madaxtinimo waxaana ka harsan mudda afar cisho ah.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698