Wararka naga soo gaaray Degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegay in xalay uu ka dhacay dagaal Culus Baar Ismaaciil kaas oo u dhaxeeya Ciidamada dowladda KMG, kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Xarakada alshabaab.
Dagaalka oo ka dhacay Baar Ismaaciil ayaa bilowday weerar ay soo qaadeen Ciidamada Xarakada alshabaab, iyadoo dagaaku uu socday muddo 30 daqiiqo ah sida ay dad goobjoogayaal ah sheegeen.
Ma jiraan warar dheeraad ah oo xaqiijinaya qasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay dagaalkii xalay dhinacyadaasi ku dhexmaray Koontaroolka Baar Ismaaciil Degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid ka tirsan dowladda KMG iyo Xarakada alshabaab oo ka waramay dagaaladii xalay ku dhexmaray Nawaaxiga Baar ismaaciil Degmada Afgooye ee gobolka sh/hoose.
Ugu danbeyntii waxaa saaka dagan xaalada degmada Afgooye, iyadoona ay jiraan howlgalo baaritaano ah oo ay wadaan Ciidamada dowladda KMG ee xalay la weeraray, lamana oga inay dad ku soo qabteen howlgaladaasi.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com