Wareegto kasoo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa lagu sheegay in mar kale laga soo horjeestay degmooyinkii uu magacaabay Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya.
Ref: XRW/LT//00.435/08/12
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Markuu arkay: Qodobka 3aad ee Axdiga/KMG ee Dowladda Soomaliya,Farqadiisa 1aad & 2 aad
Markuu arkay: Qodobka 46aad, Farqadiisa 1aad & 2aad iyo qodobka 48aad, Farqadii 1aad-xarafkiisa (A & B) oo qeexaya (Waajibaadka Wasiirka 1aad)
Markuu arkay: Qodobka 52aad Farqadiisa 1aad & 2aad oo qeexaya (Waajibaadka Golaha Wasiirada)
Markuu arkay: Qodobka 53aad Farqadiisa 3aad, Xarafkiisa ( a iyo b ) oo qeexaya (Xilka Golaha Wasiirada):
a) – Fulinta Awooda Golaha Wasiirada iyo meelmarinta waajibaadkooda.
b) – Maareynta iyo dhaqangelinta shuruucda loo xilsaaray
Markuu arkay: Qodobka 44aad ee Axdiga KMG ee qeexaya (waajibaadka Madaxweynaha)
Markuu arkay: Qodobada 81, 83, 85 ee Dastuurkii 1960 –kii oo qeexaya waajibaadka Golaha Wasiirada
Markuu ogaaday: Wareegtooyin ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha JS oo aan ku Salaysnayn go’aan golaha wasiirada sifo sharciga waafaqsan
Markuu arkay: Go’aankii kalfadhiga Golaha wasiirada oo ku taariikhaysan13kii, August 2012 oo lagaga dooday Habsami usocodka Howlaha
Qaranka oo ku dhisan nidaam dawli ah oo sharciyaysan
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com