Wararka haatan naga soo gaaraya Magaaladda Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in goordhow halkaas ay ka dhaceen duqeyn diyaarad.
Sida ay soo sheegayaan qaar kamid ah dadka deegaanka diyaarado dagaal ayaa duqeyn xoogan ka gaystay gudaha Magaaladda.
Labo Gantaal ayaa ku dhacay gudaha Magaaladda, waxaase jira warar kale oo sheegaya in diyaarado aysan wax duqeyn ee maraakiibta dagaal ee xeebaha kusugan ay duqeynta gaysteen.
Lama Oga qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaas lagu qaaday Magaaladda Kismaayo.
Xaalada ayaa kacsan waxaana dadka deegaanka ay dareemyaan cabsi xoogan oo ku wajahan in waxyeelo ay kasoo gaarto weerarkaas.
Xalay ayay ahayd Markii ay Al-Shabaab Madaafiic ku weerareen diyaarado kormarayay magaalada.
5 Ruux ayaa geeriyootay kuwa kalana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray kadib markii labo habeen kahor ay Maraakiib dagaal duqeeyeen Magaaladda
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com