Midowga Yurub Mareykanka iyo QM oo si isku mid ah walaac uga muujiyay soo xulista baarlamaanka Soomaaliya
Soomaalinews.com 15 Aug 12, 10:40

safaarada Mareykanka ee magaalada Nairobi ayaa warqoraala ah oo laga soosaaray waxaa lagu sheegay in Mareykanku la qabo Midowga Afrika, Qaramada Midoobay walaac ku aadan soo xulista xubnaha baarlamaanka Soomaaliya inta aan la gaarin 20-Bishan Agoosto oo ah waqtiga kama dambeysta ah ee dowlada kumeel gaarka ah ee Soomaaliya.


u qaabilsanaha dowlada Mareykanka arimaha Soomaaliya James Swan ayaa isna muujiyay sida uu uga niyad xunyahay wararka kusaabsan in haweenka loo diiday tiradii xubnaha baarlamaanka ee hore loogu ballan qaaday iyo in qaar kamid ah hogaamiyaashii dagaalka lagu soo daray xubnaha baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Dhanka kale Alex Rondos, oo ah u qaabilsanaha Midowga Wadama reer Yurub arimaha Soomaaliya ayaa isna walaac kamuujiyay xilaga gaaban ee ka haray dhamaadka waqtiga dowlada KMG Soomaliya iyo hawsha faraha badan ee dhiman.

waxaa loo baahan yahay in masuuliyad la iska saaro hawsha oo si cadaalad iyo xaq ah wax walba loo sameeyo waqtigana lagu xisaabtamo waana in cid waliba xilkasnimo muujiso ayuu yiri Alex u qaabilsanaha wadamada Yurub ee dalka Soomaaliya.

shalay ayey ahayd markii warsaxaafadeed laga soo saaray xafiiska xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Baankii Moon uu ku sheegay sida uu uga walaacsan yahay arimaha soo xulista baarlamaanka cusub ee Soomaaliya iyo musuqmaasuq uu sheegay inay ka jiraan habka soo xulista baarlamaanka.


Waxaa sidoo kale muuqata warar ay qabaan shacabka Soomaaliyeed kaasoo ku aadan sida ay wax noqon doonaan marka la gaaro 20 Bishan Agoosto oo ah waqtiga loo madlan yahay in dalku yeesho Madaxweyne iyo baarlamaan cusub waxaana soo badanaya eedaha loo jeedinayo qaabka ay haatan wax u socdaan.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698