Ugaandha oo sheegtay in burburka diyaaradeheedu saameyn ku yeeshay howlgalkii Kismaayo
Soomaalinews.com 15 Aug 12, 10:40

Dowlada Ugaandha ayaa shaaca ka qaaday in burburka ku yimid 3 kamid ahaa 4 diyaaradood oo Helicopters ah kuwaas oo ku burburay buurta Mount ee wadanka Kenya ay saameyn weyn ku yeesheen howlgalkii AMISOM ay damacsaneed inay kula wareegaan Magaalada Kismaayo ee ay ku xoogan yihiin Al-Shabab.
Taliyaha ciidamada lugta wadanka Ugaandha Janaraal katumba Wamaala oo saxaafada la hadlayay kadib markii la xaqiijiyay burburka diyaaradaha dalka Ugaandha ayaa sheegay in saraakiisha ciidamada Milateriga Ugaandha ay ka arinsan doonaan shilkaasi ku yimid iyo saameynta uu ku yeelan karo howlgalka magaalada Kismaayo.

“Waan qiimeyn doonaa xaalada hadii aan u aragno inaan awoodno fulinta hawlgalkaas waan ku dhaqaaqi doonaa tani waa nasiib daro nagu dhacday balse hawlgalkeena Soomaaliya ma,ahan mid kujoogsanaya burburka 3 diyaaradood oo helikobtaris ah” ayuu yiri Janaraal Wamaala

Katumba ayaa sheegay in diyaaradaha bur buray mid kasta ay saarnaayeen 7 askari wuxuuna sheegay in haatan la helay 21 ka mid ahaa askartaasi halka inta kalana lagu jiro baadi goobkooda.

Afar diyaaaradood oo ah nuuca Helikobtariska ah oo kasoo kicitimay wadanka Ugaandha kuna soo jeeday Soomaaliya ayaa ku basbeelay gudaha dalka Kenya diyaaradahan ayaa loogu tala galay inay dhanka hawada ka caawiyaan ciidamada AMISOM waxaana qorshohooda kamid ahaa inay hawada ka duqeeyaan magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose si ay gacanta ugu dhigaan Magaaladaasi oo hada ay ka taliyaan Al-Shabab.

Ugaandha ayaa 8.000 oo askari oo ka tirsan ciidankeeda lugta usoo daad gureysa wadanka Soomaaliya si ay gacan usiiyaan dowlada Soomaaliya oo dagaal kula jirta Al-Shabab dhicitaanka diyaaradaha Ugaandha ayaa dib u dhac ku noqoneysa qorshaha ciidamada isgarabsanaya ay ku doonayaan inay ku qabsadaan magaalada dekeda leh ee Kismaayo. Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698