Waqtiga kama dambeysta ah ee la filayo in la shaaciyo Magacyada Xildhibaanada Baarlamanka Cusub…
Soomaalinews.com 14 Aug 12, 12:51

Warar Hoose aan helnay ayaa sheegaya in meel gabo gabo ah marayaan soo xulista Xubnaha kamidka noqonaya Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya lana filayo in lagu dhawaaqo saacadaha soo aadan.

Xubno katirsan Liiska la gudbiyay lana filayo in ay kamid noqdaan Baarlamaanka cusub ayaa noo sheegay in Maanta oo talaado ah ama Beri oo Arbaco ah si kama dambeys ah loogu dhawaaqi doono magacyada Xubnaha rasmiga ah ee kamidka noqonaya Baarlamaanka Cusub.

Gudiga Farsamada ayaa maalmahan ku hoolanaa kala shaandheynta Xubnaha loo soo gudbgiyay iyagoona beelaha qaar ku celiyay xubno ay ku sheegeen in ay soo buuxin waayeen shuruudihii laga rabay kuwaa oo wali murankooda iyo isjiid jiidkooda uu socdo.

Gudiga Farsamada ayaa iyaguna ku waramay in wali aysan gacanta kuwada heyn 275-xubnood ee Baarlamaanka Soomaaliya hasa ahatee intii ugu badneed ay hayaan ayna ku dhawaaqi doonana sida ugu dhaqsiyaha badan.

Golaha wasiirada oo shalay Muqdisho ku shiray ayaa ayaa gudiga Farsamada ugu baaqay in soo magacaabista xubnaha Baarlamaanka cusub kamidka noqonaya aysan dhaafin 15-ka Bishan oo maalinta beri ah ku beegan si loo sii gudo galo hoolaha kale ee harsan.

Dad badan ayaa shaki galinaya in 20-Agoust ay dhacdo Doorashada Madaxweynanimo ee Soomaaliya maadaama waqtiga kaharay ay aad u yartahay sidoo kale jiraan howlo kale oo ka horeeya Dooarshada Madxaweyne oo iyana an wali la qaban.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698