Kooxo hubaysan ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku dilay Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda KMG xili uu ku sugnaa nawaaxiga Dekadda.
Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Afweyne wuxuuna ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada dowladda KMG kuna sugnaa Dekadda Magaalada Muqdisho oo maanta lagu qaarajiyey.
Dilka kadib waxaa goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda KMG oo goobta ka bilaabay howlgalo baaris ah, iyadoo ay goobta ka baxsaday kooxihii weerarkaasi fuliyey.
Ugu danbeyntii Magaalada Muqdisho waxaa ku soo badanaya dilalka loo geysto Saraakiisha Dowladda KMG ka tirsan iyo weerarada xiliga habeenkii lagu qaado Saldhigyada.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com