Shariif Xasan iyo C/raxmaan Xoosh oo khilaaf soo kala dhexgalay.
Soomaalinews.com 14 Aug 12, 12:48

Warar ku dhow Guddoomiyaha barlamanka ayaa sheegaya in uu jiro Muran xooggan oo dhex maray Guddoomiyaha Barlamanka Shariif Xasan iyo Wasiirkii Wasaaradda Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil.

Muranka labadan Siyasi ayaa yimid sida la sheegay markii Shariif Xasan uu soo jeediyay inaan la ogolaan in qof ka socda beelaha digil iyo Mirifle inuu isu soo sharxo Xilka guddoomiyaha barlamanka.

Arrintaas ayaa waxaa la sheegey inuu si weyn uga hor yimid Xoosh oo sheegey in Jagadaas cid walba ay isu soo sharixi karto cid ka reebana aysan jirin.

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in Shariif Xasan uu doonayo inuu ku Guulaysto Jagada Madaxweynaha Soomaaliya, balse haddii uu Xilka Guddoomiyuhu uu ku guulaysto Ruux ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle ay Musharaxnimadiisa meesha ka baxayso.

Warar kale ayaa sheegaya in jagada guddoomiyaha Barlamanka uu si weyn ugu xuslinayo Madoobe Nuunoow oo isagu qaar ka mid ah Xildhibaanada Baralamanka xilligiisu dhamaanayo ay u doorteen xilkaas kaasoo mar kale damacsan sida la sheegay inuu jagadaas isu soo taago.

Shariif Xasan oo la sheegay inuu yahay nin galaan gal badan ayaa isaguna waxa uu ku dadaalayaa sidii uu hor joogsan lahaa Musharaxnimada Madoobe Nuunoow oo laga yaabo inuu xilkaas ku guulaysto.

Guddoomiyaha Barlamanka Xilkiisu sii dhamaanayo Shariif Xasan ayaa si weyn haatan ugu dadaalayaa sidii jagadaas uusan u qaban lahayn shakhsi ka tirsan Beelaha Digil iyo Mirifle oo uu u arko haddii xilkaas uu ku guulaysto Digil ama Mirifle in ay meesha ka baxayso Musharaxnimadiisii uu mudada ku taamayay ee ahayd inuu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya.

Ugu danbeyntii qilaafkani waxay qayb ka tahay loolanka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Beelaha iyo waliba Musharixiinta qaarkood oo iyagu hankoodu yahay in ay ku soo baxaan jagada ay u tartamayaan.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698