Wariyaashaan oo kulan ey isugu yimaadeen kuyeeshay Magaalada Neyroobi ee Dalka Kenya ayaa waxa canbaareeyeen dilkii loo geestay Wariye Maxamed Cali Bunayste oo Maalin kahor lagu dilay Magaalada Muqdisho.
Maxamed Gaarane Aadan oo kamid ahaa Wariyaashii kukulmay halkaasi oo u waramay qaar kamid ah warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in aad ay uga xunyihiin dilkii loo geestay Wariye Maxamed Cali Bunayste kaasi oo Maalin kahor lagu dilay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xaafadda Towfiiq ee Degmada Yaqshid.
Iyagoona rabi uga baryay in uu Marxuumka unaxariisto samir iyo iimaanna uu rabi kasiiyo dhamaan Eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii uu kageeriyooday Wariye Maxamed Cali Bunayste.
Waxa uu intaa kudaray hadalkiisa in 20-August uu dalka galaayo isbadal cusub xili walbana oo uu galaayo Dalka Soomaaliya isbadan waxa uu sheegay in ey kororto tirada wariyaasha lagu dilo Muqdisho.
Waxa uuna carabaabay sababta ey Dowlada KMG uga aamusantahay tacadiyada loo geesto Wariyaasha Soomaaliyeed ama ey u arki ladahay taasoo uu kusheegay in wasarad waliba iyo masuulkastaaba uu kumash quulsanyahay xilalkooda mana jirto ayuu yiri Dowlada shaqsi ey horkeentay Sharciga oo dil ugeestay Wariye Soomaaliyeed.
Wariye Maxamed Cali Bunayste ayaa lagu dilay maalin kahor Xaafadda Towfiiq ee Degmada Yaqshid isagoona lasheegay in uu u geeriyooday rasaas la sheegay in ey kufureen Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya oo ka shakiyey, iyadoona warkale ey tilmaamayeen in sibareer cad ah ey ciidamaas rasaasta ugu fureen wariyaha.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com