Taliska AMISOM Muqdisho oo sheegay in ciidamo ka socda la geeyey Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.
Soomaalinews.com 14 Aug 12, 04:30

Afhayeenka Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom Ali Aadan Xaamud oo lahadlay qaar kamid ah warbaahinta Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in Ciidamo kasocda Midowga Afrika ee Amisom in lageeyay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay.

Magaalada Baydhabo haatan waxaa ku sugan Ciidamada Itoobiya waxa uu sheegay in ciidamadaasi Itoobiya ee kusugan Magaalada Baydhabo ey isaga bixidoonaan ayna kuwareegi doonaan Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom ma-uusan cadeen Afhayeenka wadanka ey kasoojeedaan Ciidamada lageendoona Magaalada Baydhabo ee kasocda Amisom.

Afhayeenka Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom Ali Aadan Xaamud ayaa waxa uu sheegay tirade Ciidamada Amison ee haatanba gaaray Magaalada Baydhaba in tiradooda ey gaarayaan ilaa labo kun oo Askari waxaana uu intaasi raaciyay inlaga badinkaro tiradaasi waxaana uu xusay in Ciidamada Amison ey barbarsocdaan Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo uu sheegay in la,aantooda eysan waxba hirgaleen,arinta Soomaaliyana ey gacantooda kujirto sida uu sheegay.

Sikastaba waxa uu kagaabsaday Afhayeenka Ciidamada Amisom in uu tilmaamo gooba ey Amison haatan fariisimaha kadhigatay hasa yeeshee waxa uu cadeeyay in dhamaan Magaalada Baydhabo ey kala wareegi doonaan Ciidamada haatan kusugan ee Itoobiya.

Dhinaca kale Afhayeenka Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom Ali Aadan Xaamud ayaa waxa uu sheegay in Ciidamo kasocda Dalka Jabuuti lafilaayo waqtiyada soo aadan in sidoo kale Ciidamada Itoobiya ee kusugan Magaalada Baladweyne ey xaruunta Gobolka Hiiraan ey kalawareegaan halkaasi.

Waaxaana uu cadeeyay in lagu waday waqti hore in ey gaaraan Ciidamada kasocda Dalka Jabuuti Magaalada Baladweyne hasayeeshee xag farsamo ey dib ugu dheceen laakiin waqtiyada soo aadan ey tagi doonaan halkaaasi sida uu sheegay.

Waa markii ugu horeysan oo ey gaaraan Magaalada Baydhabo ee xaruunta Gobolka Bay Ciidamo kascda Amison oo fariisimo ka samaysta magaaladaasi.

Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698